Farmaajo Oo Soo Magacaabay Janaraal Indha Qarsho Xilalkiina Ka Qaaday Abaan Duulihii Iyo Taliyihii Ciidamada Xooga Soomaaliya

0

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday taliyahii ciidanka dowladda Soomaaliya Janaraal C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, waxaa sido kale xilkaasi loo magacaabay  GN. Daahir Aadan Cilmi(Indha Qarsho) oo horey usoo noqday taliyihii ciidanka xiligii MD/ Xasan Sheekh.

Taliyaha cusub ciidanka Xooga Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi(Indha Qarsho) ayaa lagu xasuustaa dagaalo taariikhda galay uu la galay Garabka Alqaacidda Soomaaliya ee Xarakada Al shabaab.

Generaal Indha Qarsho ayaa waxaa taariikhdiisa kamid ah inuu kamid ahaa saraakiishii hogaamineysay dagaal tariikda baal dahab ka galay oo Somaaliya ay la gashay Taliskii Xiligaa maamulayay Itoopiya 1977.

Dhanka kale magacaabista Xilalka cusub ee madaxweyne farmaajo magacaabay ayaa waxaa kamid ahaa Abaanduulaha Ciidanka dowladda oo loo magacaabay taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Gashaanle Dhexe Odawaa Yuusuf Raage iyo Fahad Yasiin oo loo magacaabay ku xigeenka Guud ee ciidanka Nabad Sugida.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here