07/08/2018 ayaa la soo gaba-gabeeyay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo loo heysto dilka Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada Beladweyn.
Eedeysane Yariisow ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 27-aad ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle, ka inta uusan dilkan geysan.
Yariisow Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd Magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo gaaray caasimada Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa isku dayay in u iska diiwaan geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa, balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyago ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.
Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Marqaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah.


