Maxkamad kutaala magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa horaanta todobaadkan xukun ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo kamid ahaa Culimada caanka ka ah gobalada waqooyi iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya.
Ciidamada amaanka maamulka Somaaliland ayaa sanadkii hore xabsiga dhigay Sheekh Aadan Suune iyo qaar kamid ah xertiisa, waxaana lagu eedeeyay in ay qal qal galiyeen amaanka iyo kicin dadweyne.
Maxkamada Hargeysa ayaa Axadii Sheekh Aadan Sunne ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, waxaa sidoo kale dhalinyaro xertiisa kamid ah oo la xirnaa iyana lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya hal ilaa 9-sano.
Sheekh Aadan Sunne oo ah wadaad mayal adag oon la ganban afkaartiisa ayaa marar badan lagu xiray deegaanada Somaliland, maadaama marar badan uu ka hor imaaday danaha Taliska Itoopiya uu ka leeyahay dhulalka Soomaaliyeed gaar ahaan gobalada Waqooyi iyo xarunta dhulka Soomaali Galbeed.
Shekha isagoo hada ku jira xabsi kuyaalo Hargeysa ayuu fariin maqal ah usoo diray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuuna u sheegay inuu dulmi ku xiranyahay islamarkaan looga baahnyahay inuu cadaalada ego, waxuuna sido kale weerar ku qaaday maxkamada magaalada Hargeysa.
Booliska Somaliland ayaa xilli habeen ah gurigiisa ugu dhacay dabadeedna xabsiga dhigay sheekhan bishii September ee sanadkii 2017.
Dhageyso: Codka Uu Kasoo Dhax Dhuubay Xabsiga Sheekh Aadan Sunne

