Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag ula hadlay xukuumadda federaalka Soomaaliya oo beryahan danbe uusan xiriirkoodu fiicnayn.
Arrintan ayaa timid ka dib markii laba sarkaal oo sida la sheegay ay xukuumadda federaalka Soomaaliya u soo magacawday Sirdoonka Jubbaland Talaadadii laga hor istaagay inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, ayadoo lagu celiyey garoonka dayaaradaha ee magaaladaas xabsigana loo taxaabay.
Isagoo saxaafadda la hadlay ayuu Axmed Madoobe dib u gocday mar hadda ka hor isagoo Kismaayo ka maqan taliye loo soo magacaabay gobolka.
Isla arrintaas uu tusaalaha u soo qaatay ayuu sii waday isagoo leh “waxaan maqlayey waxaa la soo magacaabay taliye iyo taliye ku xigeen loo soo magacaabay Nabadsugidda Jubbaland. Waa nasiib darro in dawladdu aysan xog ogaal ka ahayn waxa ay ka shaqayso iyo waxa ay gacanta ku hayso.
Wuxuu madaxda dawladda deferaalka uga digay inay u hogaansamaan “shuruucda dalka”, wuxuuna intaa ku daray in “taasi ay keeni doonto inay iyaguna la yimaadaan hogaan san”.
Madaweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku dhaliilay dowlada Soomaaliya taagdarada ka heysata dhinaca amniga, isagoo sheegay in xaalada amniga xiligan dalka ay aad usii xumaaneyso .
Hadalka Axmed Madoobe ayaa daaha ka qaaday tafaraaruqa ku dhex jira Jubbaland iyo dowladda dhaxe ee Soomaaliya oo beryahan xiriirkooda uusan fiicnayn, waxaana jiray dhalinyaro dowladda Soomaaliya u xil saaran dhanka baraha bulshada oo sameynayay Filimo iyo Sawirro lagu diliilayo hogaanka Jubbaland.

