Uganda oo Sheegtay in ay Ka Fikirayso in Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in ay ka fiirsan doonaan kala bixida ciidamadooda kusugan soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah howlgalka midowga Africa amisom ee nabad Ilaalinta ujooga Soomaaliya.

Madaxweyanah Uganda ayaa hadalkaan kasheegay kulan looga hadlayay amaanka gobolka uu kala qeyb galay raisul wasaaraha maamulka Israeli Benjamin Netanyahu isagoona sheegay in wali ay taagan tahay qatarta xarakada Alshabab kuwaaa oo dowlada somaliya ka taageeraya dagaalkaasi ayuu yiri Yoweri Museveni madaxweynaha dalka Uganda

Dhinaca kale hadalkaan kasoo baxay madaxweynaha dalka Uganda ayaa lagu sheegay in ciidanka Amisom aysan taageero dhameystiran ka helin midowga yurub islamarkaana goobo fara badan ay kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Alshabaab.

Dalka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ay ciidamo kajoogaan soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah howlgalka Amisom iyadoona inka badan 22,000 oo ciidamo kakala socda dalalka Uganda,Burundi,Kenya,Djibouti,Ethiopia, ay kusugan yihiin guud ahaan soomaaliya kadib markii midowga Africa ay kadal badeen dowladahaasi in ay ciidamo ugu deeqaan si wax loogu qabto xaalada amni daro ee kataagan somaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii dalka Uganda ay ciidamo gaaraya 1,000 askari usoo dirtay dalka Soomaaliya kuwaa oo qeyb kanoqon doona ciidamada midowga Africa ee amisom.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here