Al-shabaab Oo Gabar 6-Sano Jir Ah Ka Afduubtay Magaalada Harbole

0

Sida uu daabacay wargeyska “the star” ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in Dagaalamayaasha Alshabab ay Afduub ugeysteen gabar yar oo 6-sano jir ah, taas oo sida la sheegay ay xoog uga kaxeysteen qoyska gabadhaasi yar oo ku noolaa, Magaalada Harbole ee Gobolka Gedo koofurta Soomaaliya.

Qoyska gabadhan ay la nooleyd ayaa sheegay in xubno larumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Alshabab  ay gurigooda usoo dhaceen habeen saqdhexe kana dalbadeen in ay kusoo wareejiyaan gabadhooda,ayadoona waqtigaasi ay huruday gabadha yar ah, kuwaa oo ugu danbeyntii si qasab ah usoo kiciyeen gabadhooda islamarkaan gaarigii ay wateen ay ku qaatay gabadha yar sidaasi waxaa wargeyka u xaqiijiyay Abdi Ker Weli oo ah Aabaha dhalay Gabadhaasi.

Abdi Ker Weli oo ah Aabaha dhalay gabadhaas Afduubka loogeystay ayaa sidoo kale shegay in tiro ahaan dadkii Afduubka u geytay gabadhiisa, ay kakoob naayeen 5-xubnood kuwaa oo dhamaantood ku hadlayay Af-Soomaali,isagoona sheegay in aysan dhibaato kale ugeysan, balse bartilmaameedkoodu uu ahaa gabadhooda.

Dhinaca kale Sheikh Mustafa Ali oo kamid ah Golaha Magaalada Harbole ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Afduubkan loogeystay gabadhaas uu noqonayo midkii ugu horeeyay ee ka dhaca Magaaladaasi

Wararka qaar ayaa sheegaya in qoyska ay ka dhalatay Gabadhaasi ay yihiin Dadka “Albinismka” ah oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Tanzania, kuwaas oo sigoona ah loobartilmaameedsado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here