Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqeyn dhanka Cirka ah ay ka geesteen koofurta Soomaaliya ay ku dileen Xubno katirsan Xarakada Alshabab.
Taliska mareykanka uqaabilsan Geeska Africa ee marka magaciisa la soo gaabiyo looyaqaan “AFRICOM” ayaa shegay in duqeyn ay ka geysteen diyaaradahooda meel 260km ujirta Magaalada Muqdisho halkaa, oo ay sheegeen in 6 xubnood oo katirsan Alshabab ay ku dileen, duqeyntaasi ayaa lagu yiri hadalkan ka soo baxay AFRICOM.
Robyn Mack, Afhayeenka uhadashay Taliska Mareykanka uqaabilsan Geeska Africa oo wareysi siisay Wakaalada wararka ee “Associated Press”. Ayaa sheegtay in ay dileen xubnahaasi ka tirsanaa Xarakada Alshabab, ayadoona faafaahin dheeraad ah aan kabixin duqeyntaasi
Dhinaca kale todobaadkii aynu kasoo gudubnay Mareykanka ayaa shaaciyay in diyaaradahooda “Drones” ka ee aanu cidi wadin ay duqeyn ku dileen Afar xubnood oo katirsan Alshabab.
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha Dalka Marekanka Donald Trump ayaa sare loo qaaday duqeymaha dhanka cirka ah ay ka geesanayaan guud ahaan soomaaliya
Ugu dambeyn hadal Todobaadkan ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay dhimi doonaan ciidamada kaj ooga guud ahaan Geeska Africa.

