Soomaaliland Oo Si Aan Laga Fileen Uga Hadaashay Qaraxii Buuhoodle+ Akhriso

0

Bayaan Kasoo Baxay Madaxweynaha Soomaaliland Ayaa Sidaan U Qornaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Soomaaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, shacbiga gobolka Buuhoodle, iyo dhamaan shacbi weynaha reer Soomaaliland, gaar ahaan qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay Magaalo madaxda gobolka Buuhoodle ee ay ku naf waayeen muwaadiniin reer Somaliland ah. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ku geeriyooday qaraxaasi Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna Alle caafimaad taama ka siiyo kana dulqaado dhibta iyo xanuunka soo gaadhay.

Madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku adkeeyey inay baaritaan buuxa ku sameeyaan siday wax u dhaceen, gacantana ku soo dhigaan ciddii ka danbaysay falkaasi argagaxa ku abuuray bulshada gobolka.

Xukuumadda Somaliland, marnaba ma aqbalayso, umana dul-qaadan doonto cid kasta oo isku dayda waxyeello, dhibaato iyo falal amni-darro ah inay ku qaaddo shacbiga ku nool Jamhuuriyadda Somaliland.

Xalay salaadii maqrib kadib waxaa magaalada Buuhodle ee xarunta maamulka Khaatumo ka dhacay qarax lasheegay inuu fuliyay qof isa soo miidaamiyay ayaa ka dhacay bartamaha magaalada.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala damacsanaa in lagu khaarajiyo nin magaciisa lagu sheegay Cabditaax Maxamed Cali oo lataliyaha dhinaca siyaasada u ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kaas oo uu dhaawac ka soo gaaray sidoo kale waxaa qaraxaasi ku geeriyooday wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guddaha  Khaatumo Ahmed Maxamuud Doolaal.

Madaxweyne ku xiggeenka  maamulka Khaatumo Cabdalla Maxamuud Caga lule ayaa idaacada Simba u xaqiijiyay geerida wasiirkaasi hore iyo dhaawaca sarkaal katirsanaa xukuumadii Sharmaarke.

Madaxweyne Caga lule ayaa ayaa qaraxaasi ku eedeeyay maamulka Soomaaliland oo ay xurguf siyaasadeed iyo mid dagaal kala dhaxeyo, balse bayaanka kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliland ayaa u muuqday mid uu maamulkiisa isaga fogeynayo ku lug lahaan shiyaha weerarkaasi.

Wali Majirto Cid Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here