Sawirro: Xukun Lagu Riday Labo Sarkaal Oo Katirsan Daacish

0

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin  oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koofurta Soomaaliya.

Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa hogaamiyaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute)  ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen Xubnahaasi katirsan Daacish.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koofur Afrika iyo ka  mid ahaanshiyaha Xoogaga Al-Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here