Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Qarka U Saaran Inuu Baaqdo + Sawirro

0
Shirka Goloha Wasiiradda ee Xukuumadda soomaaliya

magaalada Garoowe ayaa waxaa ka soconaya kulan u dhexeeya Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya iyo xubnaha kale ee Wasiiradda Puntland, maadaama kheyre uu doonayo inuusan baaqan kulankaasi oo saxaafada Soomaaliya aad ay u hadal heysay shalay iyo maanta.

Wasiiro katirsan xukuumada Soomaaliya oo shalay gaaray Garoowe ayaa jirin soo dhaweyn loo sameeyay, taasi oo cadeen cad u ah in khilaaf xoogan uu ka dhax jiro labada xukuumadood.

Kulanka ayaa ka dhacaya hoolka Shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda dowladda Gobaleedka Puntland, oo maanta uu ka dhacayo Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in golaha wasiirada Puntland ay qabsadeen kulankoodii khamiis laha ahaa ee mar waliba ka dhici jiray magaalada Garoowe.balse lama oga sida xal uu noqon doono, maadaama kulankoodii golaha wasiirada Puntland ay qabsadeen, kheyre iyo wasiirada uu hor kacaya ay maanta ku balansanayeen in labada Xukuumadood ay qabsadaan shir laba geesood ah.

 Sawirro: Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here