Xaalad Kacsanan Ah Oo Laga Dareemayo Magaalada Garoowe (Sidee Wax U Jiraan)

0

Saakay waxaa kacsan xaaaladda siyaasadeed ee ka jirta deegaanada maamulka Puntland.

Masuul katirsan maamulka Puntland ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyay iney baaqatay munaasabaddii xuska sanad guuradii 20 ee Aas Aaska Maamulka, sababa la xiriira khilaaf ka dhax taagan hogaanka maamulla Puntland Abdiweli Gaas iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Khilaafka ayaa la sheegaya inuu salka ku hayo, kadib markii uu diiday Raisal wasaare Xasan Cali Kheyre inuu dhagax dhigo dakad cusub oo laga her galinayo Deegaanka Garacad ee Bariga gobalka Mudug.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa xalay ka dhacay shirar gooni gooni ah oo lagu doonayo in xal laga gaaro khilaaf la sheegay in laga dareemay labada dhinac, inkastoo saakay aynan jirin saan saan muuqata oo laga dareemayo magaalada in xal laga gaaray khilaafka ka dhax aloolsan dowladda iyo kuwa maamulka.

Dhanka kale waxaa gudaha magaalada Garoowe ka soconaya kulan u dhexeeya Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya iyo xubnaha kale ee Wasiiradda Puntland, maadaama kheyre uu doonayo inuusan baaqan kulankaasi oo saxaafada Soomaaliya aad ay u hadal heysay shalay iyo maanta.

Wasiiro katirsan xukuumada Soomaaliya oo shalay gaaray Garoowe ayaa jirin soo dhaweyn loo sameeyay, taasi oo cadeen cad u ah in khilaaf xoogan uu ka dhax jiro labada xukuumadood.

Kulanka ayaa ka dhacaya hoolka Shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda dowladda Gobaleedka Puntland, oo maanta uu ka dhacayo Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in golaha wasiirada Puntland ay qabsadeen kulankoodii khamiis laha ahaa ee mar waliba ka dhici jiray magaalada Garoowe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here