Xalay salaadii maqrib kadib waxaa magaalada Buuhodle ee xarunta maamulka Khaatumo ka dhacay qarax lasheegay inuu fuliyay qof isa soo miidaamiyay ayaa ka dhacay bartamaha magaalada.
Qaraxan ayaa la sheegay in lala damacsanaa in lagu khaarajiyo nin magaciisa lagu sheegay Cabditaax Maxamed Cali oo lataliyaha dhinaca siyaasada u ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kaas oo uu dhaawac ka soo gaaray sidoo kale waxaa qaraxaasi ku geeriyooday wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guddaha Khaatumo Ahmed Maxamuud Doolaal.
Madaxweyne ku xiggeenka maamulka Khaatumo Cabdalla Maxamuud Caga lule ayaa idaacada Simba u xaqiijiyay geerida wasiirkaasi hore iyo dhaawaca sarkaal katirsanaa xukuumadii Sharmaarke.
Madaxweyne Caga lule ayaa ayaa qaraxaasi ku eedeeyay maamulka Soomaaliland oo ay xurguf siyaasadeed iyo mid dagaal kala dhaxeyo.
Majirto ilaaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa ka dhacay magaalada Buuhodle.

