Maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Xilkii Wasiirnimo looga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilkaasi sii hayo ka noqon doono Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta u aqriyay wareegtadaasi kasoo baxday Xafiiska reysal wasaare Kheyre.
Maxey Tahay Sababta Xilkii Looga Qaaday Wasiirkii Waxbarashada
Sababta rasmiga ee ka danbeysa in xilka laga qaado wasiirka ayaa ah wareysi uu siiyay mid kamid ah Tv- ka howlgala magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay in aysan aqoon saneen dhaman jaamacadaha ka howlgala Somaaliya, xitaa marka lagu daro jaamacada Umada oo dowladda hoos imaata.
Baraha bulshada hadal heynta ugu badan shalay ilaa xalay waxey aheyd warka ka soo baxay wasiirkii waxbarashada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Wasiirkii Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa xalay Shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladda Muqdisho kaga warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017 ilaa 2018.
Wasiirka, ayaa sheegay Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, isaggoo xusay in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday, balse wasiirka sakay asna waxuu ku waabariista xil ka qaadistiisa.

