
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan howlgalka nabadeynta ee dhanka miinooyinka ee Mine Action Service ayaa waxaa ay sheegtay in soomaaliya ay kaalmaha hore kasoo gashay dalalka ay dhibaatooyinka kala duwan dadka shacabka ah kala kulmaan dhanka miinooyinka dhulka lagu aaso taa oo waxyeeloyin kala duwan kasoo gaarto dadka shacabka ah ee kunool guud ahaan Soomaaliya.
Ku dhawaad 3,000 oo shacab iyo Ciidamadda dowlada soomaaliya ee dagaalka kala soo horjeeda Alshabaab, ay ku waxyeeloobeen shantii sano ee lasoo dhaafay iyadoona hay’adu ay sheegtay in miinooyinka dhulka lagu aaso ay tahay waxyeeladda ugu weyn ee ay la kulmaan dadka kunool Koonfurta iyo bartama Soomaaliya.
Dhinaca kale hay’adda ayaa carabowday in sanadii 2017 dii boqolkiiba 70tan miinada dhulka lagu aaso in ay ka dhaceen magaalada muqdisho halka 68 boqolkiiba uu dhaawac iyo dhimasho kasoo gaarto dadka rayid ka ah ee kusugan goobahaasi labartil maameed sanayay.
Hay’ada qaramada midoobay uqaabilsan dhanka kahortaga miinooyinka ee UN Mine Action ayaa sidoo kale sheegtay in dalka Kenya uu kamid yahay dalalka inta badan dadkiisu ay waxyelada kala kulmaan qaraxyada miinooyinka ama gawaarida laga soobuuxiyay walxaha qarxa iyadoona 25 boqolkiiba ay sare usii kaceen qatarta miinooyinka ay ugeesanayaan dadka rayidka ah ee kunool dalkaasi
