War Deg Deg Ah: Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo Hubeysan ayaa Suuqa Bakaaraha Ku dilay xubin katirsan maamulka degmada Howlwadaag

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in kooxo hubeysan gudaha Suuqa Bakaaraha ay ku dileen nin magaciisa lagu koobay Ismaciil ciriiri oo gacan saar la lahaa maamulka D/ Howlwadaag.

Laamaha amaanka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray ayaa meesha ka qaaday meydka ninkaasi goor dhaweyd lagu dilay gudaha suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha.

Maamulka degmada Howlwadaag oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa ka gaabsaday, iney nooga war bixiyaan ninkaasi la sheegay inuu kamid ahaa maamulka degmada oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha.

Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka marxuum Ismaaciil Ciriiri.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here