Farmaajo Oo Guul Daro Kala Soo Laabtay Shirkii Brussels

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirka aan miro dhalin ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jaaliyada Soomaalida  ee Belgium ayaa sido kale madaxweynaha iyo wafdigiisa u sameynin wax soo dhaweyn sidaasi u sii weyn,maadaama maamul gobaleedyada qaar ay aad u taageersan yihin Jaaliyada.

Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Brussels ayaa jirin wax cad oo kasoo baxay, maadama la isku mari wayay oo aysan jirin heshiis cad oo loo soo bandhigay saxaafadda.

Madaxda dhaxe ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada shirkoodii ugu qabsoomay  dalka Belgium ayaa la sheegayaa inuu jirin  wax natiija ah oo halkaasi lagu kala saxiixday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here