Mamulka Wasteland Oo Dagaal U Diyaar Garoobay Iyo Xiisad Laga Dareemayo Baladweyne + Dhageyso

0

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamo taabacsan maamulka la magic baxay Wastland iyo kuwa maamulka hirshabeelle ayaa laga dareemayaa magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay xiisada dagaal iney timid kadib markii maamulka Hirshabeelle uu isku dayay in hub ka dhigis uu ku sameeyo maleeshiyadaasi hubeysan.

Hogaamiyaha maamulka la magac baxay Wastland  maxamed Ibraahim Aadan Shaati oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in ciidankiisa ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah maamulka Hirshabeelle maadaama uu isku dayayo in hub ka dhigis looga sameeyo maleeshiyo ka amar qaadata.

Hogaamiyaha Maamulkaasi Wastland  ayaa sheegay in la diyaar gareeyay dhamaan ciidankiisa ku sugan duleedka magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, ilaa deegaanka Qurac Jooble ee gobalka Bakool.

Maamulkan la magac baxay sanado ka hor Wastland ayaa waxaa lagu tiriyaa inuu qarashaad ka helayo taliska dowladda Itoopiya ee maal galiya qaar katirsan maamul gobaleedyada dalka Soomaaliya.

Dhageyso Codka:  Hogaamiyaha Maamulka Wastland  Maxamed Ibraahim Aadan Shaati

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here