Hoggaanka wacyi gelinta iyo siyaasadda ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa muqdisho ku qabtay xaflad Xarunta dugsiga tababarka ee Turki Som oo ay ku jiraan ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasi oo halkaasi tababaro ku qaadanaya.
Taliyaha dawladda Turkiga u qaabilsan dugsiga tababarka Ciidanka ee Turki Som general Maxamed Cabdi fitaax oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu dhiso Ciidanka xoogga dalka, isaggoona ka hadlay dhowrka turkiga ee tababarka ciidanka dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidanka dawladda Turkiga, ayaa goobta munaasabada ka dhaceysay ku guddoonsiiyay Ciidanka Xoogga dalka bilad sharaf.
Sawirro bilad sharafka la gudoon siiyay Saraakiisha Ciidanka dowladda








