Jubba-land oo Ka Hadashay Howlgalo ka dhan ah Shabaab oo Ka Socda Gedo+Dhageyso

0

Maamulka Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo maal mahii ugu danbeeyay ciidanka Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ay ka wadeen tuulooyin hoos taga degmadasi.

Hogaanka ciidamada military-ga dowlada Soomaaliya ee gobalka Gedo ayaa ka hadlay howlgaladaasi ka dhanka ahaa ciidanka Xarakada Al shabaab ee ku sugan deegaano iyo degmooyin katirsan gobalkaasi.

Taliyaha ciidanka Military-ga dowladda Soomaaliya ee Gedo Aadan Maxamed Axmed (Aadan Cade) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ayaa ka hadlay howlgalo uu sheegay in askarta Jubbaland oo gacan ka helaya ciidanka dowladda ay ka fuliyeen tuulooyin hoos yimaada Degmada Buurdhuubo.

Taliye Aadan Cade ayaa sheegay howlgalkaasi wada jirka ahaa in uu socday mudo ku siman 7-bilood, lagana fuliyay dhowr deegaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here