Warar kala duwa ayaa kasoo baxaya qeyla dhaanta saraakiil iyo xubno siyaasiyiin hore oo walaac ka muujinayay labo weerar oo mudo isbuuc ah lagu qaaday xarumaha ugu muhiimsan dowladda, sida wasaaradaha arimaha gudaha tan Amniga iyo weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya.
La taliyaha dhinaca amniga madaxweynaha Jubbaland Koneel Cabdi Nuur Jaamac Jookar oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay sababta ka danbeysa ciidanka Al shabaab iney u sahlanaato weeraro is daba joog mudo isbuuc ah iney ku qaadaan wasaaradaha arimaha gudaha Amniga iyo Madaxtooyadii laga xukumayay Somaaliya iney tahay xiriir ka dhaxeeya saraakiisha ciidanka dowladda & Al shabaab.
Koneel Cabdi Nuur Jaamac Jookar oo sii wata wareysiga uu siinayay Simba ayaa sheegay saraakiil sar sare oo katirsan dowladda iney xiriir toos ah la leeyihiin Al shabaab, kuwaa oo qaarkood tababaro ku soo qaatay wadamada Turkiga, Ugandha iyo dalalka Somaaliya ka taageera la dagaalanka Alqaacidda.
La taliyaha dhinaca amniga madaxweynaha Jubbaland Koneel Jookar ayaa ugu danbeyntii kula taliyay madaxda ciidanka in saraakiisha qaar lagu sameeyo is ku shaandheyn ama xilalkooda laga fiirsado.
Weeraradii shalay ka dhacay magaalada muqdisho ayaa dad badan waxa ay iska weydinayaan su’aalo maadaama inta badan wadooyinka muhiimka Muqdisho ay ahaayaan shalay kuwa xiran oo loo diiyay gadiidka shacabka iney maraan, balse shacabka markii ay maqleen dhawaqa 2 Qarax oo is miidaamin ah in lagu qaaday madaxtooyadii laga maamulayay guud ahaan dalka, halkee ayey aadeen ciidankii dadka waayeelada ama xanuunsanaa ee shacabka ahaa u diiday iney si dhib yar ku tagaan goobaha ay rabaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka: Korneel C/Nuur Jaamac Jookar Oo Simba La Hadlay

