Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in aan la aqbali doonin shaqaale iska qaata mushaar isaga oo aan tagin shaqada uu lacagtaasi ku qaadanayo.
Duqa muqdisho ayaa sheegay in la arkay shaqaale iska qaata lacago, balse aan soo xaadirin shaqada bil walbaa lacaga ay ku qaataan arintaasina aysan noqon doonin mid suura galeysa.
“Hadda kadib ma jiri doono shaqaale iska qaata mushaar oo shaqada imaan ama aan wax soo saar lahayn, nidaamkanna waxuu naga caawin doonnaa inaan ogaanno shaqaalaha saxda ah ee guta waajibaadkooda iyo kuwa mushaarka iska qaata, wax la aqbali karo maahan in miisaaniyadda Gobolka Banaadir %70 ay mushaar ku baxdo hadana dadka shaqeeya ee saxda ah ay yar-yihiin, cid walba oo shantaa bilood mushaar qaadatay soona xaadirin shaqada sharciga ayaan la tiigsanaynaa lacagtana waa laga soo celin doonnaa.”Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan
Hirgelinta Systemka cusub ee dib-u-diiwaangelinta Shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxuu noqon doonaa mid suura galin doono in la helo shaqaalaha iska qaata mushaaraadka iyaga oo aan tagin shaqadooda.

