Abaal Marin Lagu Bixinayo Cidii Gacanta Ku Soo Dhigta Rag Kufsaday Maamo 85 Jir Ah + Dhageyso

0

Madaxweyne ku xigeenka maamul Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo la hadlayay warbaahinta ayaa laamaha amniga mamulka waxuu amray iney gacanta kusoo dhigaan ragii ka danbeeyay haweeneey 85 ah oo lagu kufsaday xero barakacayaasha ay ku leeyihiin gudaha Jowhar.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa ciidamada daraawiishta maamulkaasi u balan qaaday abaal marino inuu gudoonsii doono cid alaala cidi soo sheegta xogta ku saabsan ragaasi maamada 85 jirka ah ku fara-xumeeyay xero barakacayaal ay dagan yihiin oo ku taal magaalada Jowhar ee Shabellaha Dhexe.

Mudane Guudlaawe ayaa si gaar ah fariintaasi soo qabashada ama helista xogta ragaasi damiir laawayasha ah ee haweyneyda kufsaday waxuu u amray ciidamada booliska maamul Hirshabelle.

“Waxaan u ballanqaadayaa abaalmarin wanaagsan cidii gacan ka geysata soo qabashada raggan ama keenta macluumaad sahalaya in lasoo qabto, kufsigan waa mid aan horey loo arag, kuna cusub Sh/dhexe” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Warka kasoo baxay Madaxweyne ku xigeenka maamul Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ciidamada amaanka Hirshabelle ay gacanta kusoo dhigeen sadax ruux oo lagu baahiyay sawiradooda baraha bulshada ay ku kulanto iyo warbaahinada Soomaaliya.

Dhageyso Codka: Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Cali C/Llaahi Xuseen Guudlaawe

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here