Ma Dhab Baa In Taageerayaasha Xaaf Ay Xilka Ka Qaadayaan Cali Gacal Casir + (Dhageyso)

0
Madaxweynaha Galmudug Iyo Ku Xigeenkiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka Madaxa Xukuumada Galmudug

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Wada Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, oo hogaamiya garabka Ku sugan Magaalada Cadaado.

Xildhibaanada Mooshinka Wada ayaa wararku waxaa ay sheegayaan inay u badan yihiin Xildhibaanadii Maamulkii Ahalusuna ee la midoobey Galmudug, kuwaas oo  taageersan Madaxweyne Axmed Ducaale.

Mudane Cabdiwali Cali Jaamac oo ka mid ah garabka taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa mooshin la sheegayo ku tilmaamay mid Sharci daro ah oo ay wadaan shaqsiyaad Maamulka ku soo galay sharci daro, waxaana xusay Xildhibaanada Sharcig ah Baarlamaanka Galmudug aysan wax mooshin ah wadin.

Dhankale Xildhibaan Cabdiwali ayaa sheegay in bari uu Magaalada Cadaado ka furmi doono Kulanka Baarlamaanka Galmudug oo ay hor imaandoonan Wasiiro ka tirsan Xukumada Madaxweyne Xaaf.

Dhageyso Codka:- Xildhibaan Cabdiwali Cali Jaamac Oo Simba La Hadlay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here