Wararkii ugu danbeeyay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo maanta loo daad gureeyay deegaano iyo degmooyin katirsan gobalkaasi oo dhawaan Alqaacidda lagala wareegay.
Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbland Jaamac Axmed Xasan oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ka war bixiyay ujeedka ciimada loogu daad gureeyay deegaano iyo degmooyin lagala wareegay ururka kasoo hor jeeda dowladda soomaaliya ee xiriirka la leh Alqaacidda.
Mudane Jaamac Axmed Xasan Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbland ayaa sheegay in ciidamada halkaasi la geeyay ay yihiin ciidamo boolis ah oo la doonayo in amanka ay kala wareegaan ciidamada huwanta ee isugu jira Xooga dalka, Jubbaland oo tageera ka helaya ciidamada gaarka mareykanka ee dagaalka kala soo hor jeeda ururweynaha Alqaacidda garabkiisa ka dagaalama Soomaaliya.

