Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Mareykanka Oo Duleedka Jamaame Ku Dilay Sarkaal Aruuriyoow

0

Taliska ciidanka xooga dalka ee gobalada Jubbooyinka ayaa faah faahin ka bixiyay howlglo si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa degaanka Araare oo u dhow Degmada Jamaame ee G/ Jubbada dhexe waxay ku dileen masuul katirsanaa Al-shabaab .

G/dhaxe Cabdi yare Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga Dalka oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Sarkaalkan  Magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow kaa uu G/ sheegay in uu ku dhuumaalaysanayay degaan ku dhow Araare ee duleedka Degmada Jamaame.

Taliska ayaa sheegay in Aruuriyow uu u qaabbilsanaa Alqaacidda Soomaaliya inuu Lacagaha iyo Xoolaha inuu ka qaado Shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka kale ee dowladda dagaalka kula jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here