Xildhibaano Walaac Ka Muujiyay Weerarada Alqaacidda Ee Kenya

0
Ciidamo katirsan Militaryga Dowladda Kenya ee ka Howlgala Gudaha Soomaaliya

Masuuliyiinta gobolka waqooyi bari ee dhulka Soomaalida Kenya ay maamusho ayaa ku booriyay ciidamada booliska Kenya in ay aad uxoojiyaan dhanka amniga xuduuda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya si loo ilaaliyo weerarada kooxaha argagaxisada ee Soomaaliya.

Kudhawaad 5 xildhibaano oo kamid ah xildhibaanada waqooyi bari ayaa sheegay in ay sare usii ka ceen weeraradaArgagaxisada ay ka geesanayaan deegaanada ku yaala xuduuda beenaadka kala qeybisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya halkaa oo weerarkii ugu dambeeyay ee todobaadkii hore ka dhacay waqooyi bari Kenya uu galaaftay nolosha inka badan 8 saraakiil  iyadoona alqaacidda Soomaaliya ay soo ban dhigeen muuqaalo muujinaya tiro ciidan Kenya ah ay sheegteen weerarkaasi in ay ku dileen 15 saraakil boolis ah oo katirsanaa ciidamada Kenya.

Dhanka kale Alqaacidda ayaa inta badan bartil maameed sata kolonyada ciidamada boolis Kenya ee isticmaalaya deegaanada dhaca waqooyi bari dhulka soomaaliyeed ee Kenya iyo macalimiinta wax ka dhiga schoolada ku yaala deegaanadaasi iyo dadka heysta diinta masiixiga iyo diimaha kale.

Weerarkii todobaadkii hore ka dhacay dagmada Wajeer gaar ahaan deegaanka Bojigaras ayaa lasheegay in  Alqaacidda ay weerarkaasi gacanta kudhigeen lix qori oo Ak-47  iyo sidoo kale 549 rasaas kala duwan.

Alqaacidda Soomaaliya ayaa inta badan weeraro dhiig fara badan kudaata waxa ay ka geestaan guud ahaan dalkaasi Kenya kuwaa oo cadaadis ku saaraya in ciidamada Kenya ay isaga baxaan howlgalka ciidamada midowga afirca ee Amisom ee dowlada soomaaliya ka taageeraya ladagaalanka Xagjiriinta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here