Askar Ka Tirsanaa Daraawiishta Jubbaland Oo Lagu Fuliyay Xukun Toogasho Ah “Sawirro”

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay maanta xukun dil ah ku fulisay sadex askari oo hore dilal ugu geystay deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

Raga maanta maxkamada ay ku fulisay dilka ayaa waxaa kamid ahaa askari hore u dilay xaaskiisa,

Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure ayaa kamid ahaa raga maanta lasoo taagay tiirka toogashada magaalada kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Labada askari kale ayaa lagu kala magacaabi jiray C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi iyo Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay Marxuum Cawil Colow Xasan ayaa maanta waxaa lagu toogtay fakaare ku yaal magaalada Kismaayo.

Masuul katirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobalada Jubbooyinka ayaa Simba u sheegay in lasoo gaba gabeeyay kiiska ragaasi oo maanta lagu toogtay magaalada kismaayo ee G/ Jubbada Hoose.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Sadaxda Askari Inta Aan Lagu Fulin Toogashada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here