Marun Baa In Hal Qabiil Uu Qaab Musuq Maasuq Ah Ku Qaato Mushaaraadka Ciidamada Galmudug + Dhageyso

0

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Cadaado Cumar Macalin Cali oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ku eedeeyey  Dowladda Soomaaliya in ay qaab Qabiil ku salaysay Bixinta Mushaaraadka Ciidanka Galmudug, tilaabadaasi oo meesha ka saaraysa midnimada iyo wada shaqeynta Ciidanka  Galmudug.

Taliye ku xigeen ayaa  Sheegay in ciidanka Galmudug aysan Wax mushaar ah qaadan marka  laga reebo qeybta Boliska Gobalka mudug, oo ay ka soo jeedaan Madaxweynaha Galmudug ,Taliyaha Ciidanka Xooga dalka,Taliyaha qeybta 21-aad ee Xooga Dalka,taliyaha Daraawiisha Galmudug iyo Taliyaha Saadka Ciidanka Galmudug waxaa uuna Xusay in Saraashiishaas ay qeyb ka yihiin in la Xaqiro qeybaha kala duwan ee Ciidamada Galmudug.

Cumar Macalin Cali Taliye ku xigeenka Booliska Cadaado oo sii hadlayey ayaa Sheegay Ciidanka Booliska Galmudug ee Gobalka Galgaduud ay Dowladda Soomaaliya Mushaar ka siiso 6-askari oo kaliya halka Boqolaalkalena aysan la heyn wax Xaquuq ah.

Waxaana Baaq u diray Wasiirka taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wasiirka gaashaan dhiga iyo Sanatarada laga soo doortay deeganada Galmudug oo ka codsaday in baaritan ay ku sameeyaan.

Dhageyso Codka:- Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Cadaado Cumar Macalin Cali 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here