Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay wadada weyn ee Maka Almukarama degmada Hodan ee Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhax dhacay gudaha gaari nuuca raaxada ah oo marayay wadada Maka Al mukarama gaar ahaan garaashka Xaaji Baasto degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Sarkaal katirsan laamaha amniga magaalada Muqdisho ayaa Simba u xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhaawac may hal ruux oo saarnaa gaariga , sido kale ahaa arday wax ka barta mid kamid ah jaamacada Muqdisho.
Khasaaraha rasmiga ee uu dhaliyay qaraxa ayaa gaaraya dhaawaca laba ruux oo mid uu ahaa wadihii gaariga halka midka kale ay aheyd gabar saarneyd mooto bajaaj halkaasi mareysay.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay qaraxa kadib goobta in goobta ay gaareen saraakiil iyo ciidamo katirsan laamaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaa oo halkaasi ka qaaday dhaawacyada labada ruux ee ku dhaawac m qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada ruux ee dhaawacmay ayaa hada yaala mid kamid ah isbitaalada magaalada muqdisho, sido kale majirto ilaaa iminka cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi dhaliyay dhaawacyada labada ruux.

