Madaxweynaha oo qaar kamid ah dadweynaha Magaalada Kismaayo salaada ciidul fidriga kula tukaday Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa salaada ciida kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Masuuliyiin iyo dad shacab ah.
Khudbad uu Madaxweynahu salaada kahor jeediyay wuxuu kaga hadlay Waxbarashada dhaqaaalaha dib u dhaca dalalka Islaamka iyo dagaalka dagaalyahanada Xarakada Al shabaab.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhaqaalaha ganacsatada gacanta ugu jira uuna waxba uga dhignayn hadii aanay dib ugu celin Bulshada oo ah halkii ay markii horaba kasoo saareen.
Madaxweynahu wuxuu kaloo ka hadlay Islaamiyiinta iyo sidii looga hortagi lahaa fikirkooda qalafsan oo mararka qaar dhalinyarada iyo Bulshadaba dhib weyn ku ah hadii aan laga hortagin waliba si wadajir ah.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalka Al-Shabaab uu macno samaynayo marka hoos laga soo bilaabo oo dhagarta ay Bulshada u maleegayaan qof walbaa uu fahmo.
Mar uu ka hadlayay dhibaatada ka taagan dalalka Islaamka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in loo baahan yahay isku duubni iyo wadajir mar walbana dhibka uu ka yimaado umada oo aan is walaalaysan.
Dhamaaan Dunida Muslimka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in maalmahan barakaysan ay uga faa’iidaystaan walaalnimada iyo wadajirka.






