War goordhaw naga soo gaaray degmada hodan ee magaalada muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu gaari xamuul ah ku jiiray haweeney.
Gadiidka xamuulka ee ka imaada dakada muqdisho ayaa lagu lagu soo waramayaa in isgoyska Zeybiyaano ee degmada Hodan uu ku jiiray haweeneydaasi oo la sheegay iney mareysay halkaasi.
Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay isla goobta ay ku geeriyootay haweyneedaasi.
Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa degmada hodan ayaa gaaray goobta uu gaariga ku jiiray haweeneydaasi, waxeyna gacanta ku dhigeen ruuxii ka xeynayay gadiidka xamuulka ah.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in meydka haweeneyda loo qaaday xarunta danbi barista soomaaliya, si loo soo hubiyo qofkaasi waxa uu ahaa iyo qaabka uu gaariga xamuulka ah u jiiray.

