Midowga Yurub Iyo Mareykanka Oo Tababar U Furaya Ciidamo Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto

0

Ciidamo ka kala socda dalalka bariga Africa Mareykanka midowga Yurub ayaa waxaa ay si wadajir ah ugu qeeb qaadanayaan tababar loo sameyn doono ciidankaasi, iyadoona lagu qaban doono dalka Uganda bishan june 18 keeda sidaasi waxaa qortay wakaalada wararka ee laga leeyahay shiinaha (Xinhua)

Richard Karemire oo ah afhayeenka ciidamada military-ga dalka Uganda oo qadka taleefanka kula hadlayay wakaalada wararka ee dalkaasi Shiinaha ayaa sheegay in tababarkani loogu goleeyahay sare uqaadida Amniga guud ee gobolka iyo sidii loo hormarin lahaa xeeladaha ciidankaasi ka socda dalal dhowr ah oo kuyaala bariga Africa kuwaa oo midowga Yurub iyo Mareykanka ay qeyb qaadan doonaan.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa carabaabay in tababarkani uu socon doono  mudo labo isbuuc ah kaa oo ka dhici doono xero military oo kutaala bariga magaalada Jinja ee dalkaasi Uganda.

Ciidankan ayaa lasheegay in badan kood ay kasocdaan dalalka kuyaala bariga Africa iyadoona ciidankaasi ay kakala socdaan dalalka  Burundi, Kenya, Rwanda, Uganda, Tanzania, Somalia, Netherlands, iyo Qaar kamid ah dalalkan ciidankooda ay kaqeyb qaadan doona tababarkaasi ayaa waxaa ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaa oo dowlada federaalka ee Soomaaliya ka tageraya la dagaalanka Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here