Wasaarada arimaha dibada Britain iyo xafiiska barwaaqa sooranka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan (FCO) ayaa ugu digay muwaadiniin udhshay dalkaasi Engiriiska in aysan u safrin Soomaaliya.
Bayaanka ka soo baxay dowlada Britain ayaa lagu sheegay in haatan muwaadiniin teeda ku sugan soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Berbera Iyo Hargeysa ee maamulka Somaliand iyo guud ahaan Soomaaliya ugu baaqday muwadiniinteeda in aysan usafrin, iyadoona dhanka kale sheegtay in kuwa haatan ku sugan ay isaga soo baxaan Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa la sheegay inay jiraan qatar kale oo ka imaan karta Baddaha, gaar ahaan biyaha caalamiga ama Gacanka Cadan iyo Badweynta Hindiya oo ay burcad badeedka ka fuliso weeraro afduub ah oo kadhanka dadka udhashay dalalka reer galbeedka.
Dhanka kale warkan kasoo baxay Ingiriiska ayaa tibaaxaya in safaarada ingiriiska ay kuleedahay magaalada Muqdisho aysan awoodin in ay caawinaad dag dag ah ay siiyaan hadii muwaadinin udhashay dalkaasi ay dhibaato la kulmaan meel banaanka ka ah dalka Uk ay sitoos ah ula xariiraan gudiga sare ee Britain xafiiska ay kuleedahay magaalada Neirobi ee dalkaasi Kenya si wax loogu qabto loona caawiyo muwaadiniinta udhashay dalkaasi
Warbixinta ayaa sidoo kale looga digay muwaadiniintaasi in ay ka fogaadaan goobaha dadka badan ay ku sugan yihiin iyadoona sidoo kale loogu digay warbaahintada caalamiga ahi ee fadhigoodu yahay dalka UK kuwaa oo wariya yaashooda u dira deegaanada Soomaaliland iyo guud ahaan Soomaaliya in aysan sawiro ama muuqaalo aysan ka duuban goobaha ay ka dhacayaan dibad baxyada iyo carqaladaha ee guud ahaan soomaaliya.
Maahan markii ugu horeysay oo dowlada Ingiriiska ay muwaadinin teeda ugu digto in ay usoo safraan Soomaaliya, qatara la xiriira arimaha dhanka amaanka iyo suura galnimada weeraro Al-shabaab.

