Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Garowe Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan la qaatay Duqa Caasimadda Puntland ee Garowe Axmed Deeq Maxamed waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo isku xirka magaallooyinka.
Eng Yarisow ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, waxuna hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay tahay xaruntii Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la adkeeyo cilaaqaadka kala dhaxeeyo Maamullada iyo degmooyinka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku ammaanay Duqa Garowe sida ay uga go’an tahay isku xirka iyo wada shaqeynta iyo sida uu yahay amaanka Caasimadda Puntland ee Garowe.
Guddoomiyaha Caasimadda Puntland ee Garowe Mudane Axmed Deeq Maxamed wuxuu uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta loo sameeyey iyo adeegyada

