Muwaadin udhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu xukumayay 35 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay in uu xariir laleeyahay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Maalik Alim Jones oo 33 sano jir ah ayaa haatan wajahaya xabsi gaaraya 35 sano kadib markii xaakimka Manhattan uu sheegay in lagu helay dambigaasi oo ahaa in uu ka bar bar dagaalami jiray Al-shabaab.
Qareenka udoodayay muwaadinkaasi ayaa ilaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin xukunkii ay kuriday muwaadinka udhashay dalkaasi Mareykanka ee uu udoodayay kaa oo lagu soo oogay falkaasi.
Mr Jones ayaa dacwad oogayaashu waxaa ay sheegeyn in ninkaasi madaxkamada sare ee dalkaasi ay xukuntay bishii January ee sanadii 2016 kii kaa oo sida lasheegay muwaadinkaasi uu kudhahay Mareykanka, kadibna sandii 2011 kii uuna usoo safray dalka kenya isagoona si qar soodi ah ugu sii talaabay gudaha Soomaaliya halkaa oo uu mudo tababar ku qaadanayay Xarun ay lahaayeen Al-shabab.
Masuuliyiinta maxkamada ayaa sheegay in muwaadinkaasi mudo sadax bilood ah uu tababar ku qaadanayay gudaha Soomaaliya gaar ahaan goob ay sibuuxda umaamulayeen Xarakada Al-shabaab halkaa oo uu ku bartay Quraanka Kariimka iyo sida loo qaado hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan qoriga AK-47 iyo sida loo isticmaalo bambooyinka nuuca gacanta laga tuuro ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maxkamada degmada Manhattan ee dalkaasi Mareykanka.
Dhanka kale xaakinka maxkamada ayaa sidoo kale carabaabay in Maalik Alim Jones oo ah muwaadinkan xukunka lagu riday ayaa waxaa ay sheegeyn in gaar ahaan uu ka tirsanaa garabka Jeysh Ayman ee ka tirsan Al-shabab gaar ahaan garabka kadagaalama dalka Kenya, isagoona sida ay sheegtay maxkamada uu kaqeyb qaatay weeraro dhowr ah oo kadhacay dagmada Afmadow oo lagu dilay askar kenyana.

