Deg Deg:- Rasaas Laga Maqlayo Deegaanka Tukaraq Iyo Puntland sheegtay In Jihooyin kale Laga Soo Weeraray

0

War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in looga hortagay weerar qaris ka tuuurnimo aha oo ciidan katirsan maamulka Soomaliland ay kusoo qaadeen ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan jiida hore ee dagaalka deegaanka Tukraq ee gobalka Sool.

Bayaanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay waxa ay damacsaanayeen ciidamada Soomaliland.

“ saacadihii ugu dambeeyey ayey bilaabeen in ay bedelaan jihooyinka ay ka dagaalamayaan ee gobalka Sool, waxayna isku dayeen in ay furin kale oo dagaal ka furaan deegaan ku dhaw Boocame, balse ciidamada daraawiishta Puntland ayaa ka hortagay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Puntland ayaa sido kale sheegtay in weerarkaasi fashilmay ay ku gubtay gaari dagaal oo ay isticmalayeen ciidamo ka amar qaata Jamhuuriyada iskeed madax banaanida ugu dhawaqday ee Soomaliland.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa maanta halkaasi iney gaaraan wafdi ka socda beesha Caalamka, si ay u kuur galaan waxa halkaasi ka socda iyo xal u raadinta dagaalka u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo mudooyinkii danbe ku dagaalamayay deegaanka Tukaraq.

Marka laga tago bayaanka kasoo baxay Puntland iyo wafdiga beesha caalamka ee lagu wado maanta iney gaaraan deegaano katirsan gobalka Sool, ayaa waxaa dadka deegaanka oo Radio Simba xiriiro ay la sameysay inoo xaqiijiyeen in maanta uu jiro iska hor imaadya kooban oo dhax maray labada dhinac, iyo in wali ay maqlayaan rasaas teel teel ah oo labada dhinac ay is dhaafsanayaan.

Lama ogaan karo halka ay wax ku danbeyn doonaan, maadama aynan jirin wali cid kala qaaday ciidamada kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ee ku dagaamaya deegaano katirsan gobalka Sool.

Dagaal dhiig badan uu ku daatay ayaa maal mahii ugu danbeeyay ciidamada Somaliland iyo Puntland ku dhax marayay deegaanka marti galiyay dagaalada soo lab laabtay ee Tukaraq, inkasto labada maamul midba midka kala uu sheegay inuu gacanta ku dhigay maxaabiis, ayeynan jirin cid xaqiijin karta wararkasi oo labada dhinac maal mihii ugu danbeeyay hawada isku marinayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here