Midowga Africa ayaa waxaa ay sheegeyn in ururka Daacish ay kusii fidayaan dalalka kuyaala geeska Africa halkaa oo ay sheegeyn in ay doonayaan in dagaal kooda iney uweeciyaan dalalkaasi.
Hadalkan kasoo baxay midowga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in ladoonayo in laga hortago ururkaasi maadama laga awood badyay dalalkii ay kadagaalami jireen kooxdaasi sida dalka Suuriya iyo Ciraaq halkaa oo mudooyinkii ugu dambeeyay laga faramaroojiyay deegano iyo dagmooyin ay ku xooganaayeen iskugu magac dartay dowlada islaamiga ama khilaafada Islaamka.
Dhinaca kale warkan kasoo baxay midowga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in kooxdaasi ay haatan isku fidinayaan dalalka Soomaaliya, Congo, Tanzania, iyo Mozambique, halkaa oo lasheegay in ISIS ay doonayaan in dagaalkooda haatan ay u weeciyaan dalalkaasi iyo wadamada dariska la ah sidaasi waxaa lagu sheegay warkan kaso baxay midowga afirica.
Fransisco Madeira wakiilka gaarka ah ee midowga Africa uqaabilsan Soomaaliya oo kulan ay wada yeesheen dalaka kubahoobay ururka IGAD iyo ururka kale ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan EAC ayaa waxaa uu kasheegay in laga cabsi qabo in Daacish ay kusii fidaan dalalka kuyaala geeska Africa loona baahan yahay in wax laga qabto isla markaana ay kagaashaamaan kooxdaasi ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee midowga Africa uqaabilsan Soomaaliya.
Daacish ayaa la’aas aasay sanadii 2013kii kuwaa oo markii ugu horeysay ka faracmay dalalka Iraq iyo Suuriya iyadoona mudo ay kadagaalamayeen dalalkaasi iyo wadamo kale oo Caalamka kamid ah.
Ugu dambeyn hadalkan kasoo baxay midowga Africa ayaa lagu sheegay in qatarta shabaabka ka dagaalama Soomaaliya iyo ururka bokoharam ee kadagaalama dalka Nigeria ay haatan kadaran tahay kooxda Daacish oo isku sii fidinaya qaar kamid ah dalalka kuyaala geeska Africa

