Bayaan kasoo baxay Dowladda Mareykanka waaxda u qaabilsan hawlgalada Afrika ee (Africom) ayaa sheegtay in weerar dhanka cirka ahaa oo ay ka fuliyeen meel 24 Koofur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho in ay ku dileen 10 xubnood oo ka tirsanaa Xoogaga Alqaacidda Soomaaliya ee Al-Shabaab.
Taliska U.S. Africa Command ee (Africom) ayaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ahaa lala bartil-mameed saday Xubno katirsanaa Al-shabaab. Halkaasina lagu dilay ilaa iyo 10 xubin oo katirsanaa Alqaacidda, laguna dhaawac rag kale oo kamid ahaa raga la kulmay duqeymaha dowladda Mareykanka.
Warka kasoo baxay Taliska Mareykanka ayaan lagu sheegin goobta sida gaarka duqeymaha ay kaga fuliyeen, inkastoo taliska uu sheegay in laga fuliyay meel 24 Koofur galbeed kaga beegan Muqdisho.
Wali majirto cid ka madax banaan Taliska Africa Command oo xaqiiji kara iney duqeyn ku dileen ilaa iyo 10 xubin oo katirsanaa Al-shabaab, dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Xoogaga Al-shabaab oo ku aadan warka kasoo baxay Mareykanka ee lagu sheegay in duqeyn lagu dilay rag Al-shabaab ahaa.
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa kordhiyay weerarada isugu jira duqeymaha iyo kuwa tooska ah ee ay la bar tilmaameed sadaan goobaha iyo saldhiggyada ay ka howlgalaan faraca Alqaacidda caalamaka ee Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

