Wararkii ugu danbeeyay weerar madaafiic ah oo la isku weeraadsaday deegaan weynaha ceelasha biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa sheegay xalay in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyhihiin halkaasi, kadib duqeynta ayaa la sheegay in ciidamada Amisom dhankooda ay ku jawaab caliyeen madaafiic lamid ah tan lago soo weeraray saldhiga ay ku leeyihiin deegaan weynaha ceelasha.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada iminka ay tahay mid degan, balse ciidamada Amisom ee weerarka madaafiicda la kulmay ay sameynayaan dhaq dhaqaaq xoogan oo la garaneyn waxa ay kaga gol leeyhiin, in ay doonayaan sameynta holgal ama in ay doonayaan iney aagaasi ka sameeyaan roondo.
Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Xoogaga Al-shabaab oo xaqiijinaya iney ka danbeeyeen weerarka inkastoo ciidamada Al-shabaab looga bartay weerarada madaafiicda ee lagu qaado Amisom.
Idaacada Simba oo xiriir la sameysay sarkaal katirsan ciidamada militariga dowladda Soomaaliya oo ka howgala duleedka magaalada muqdisho, balse diiday inaan warbaahinta u adeegsano magaciisa ayaa inoo xaqiijiyay in duqeyntaasi ay jirto, balse aan wali lasoo warin wax khasaara ah oo ka dhashay.
Inta badan weerarada madaafiicda ee lagu qaado ciidamada Amisom ayey waxey kaga jawaab celiyaan, madaafiic lamid ah tan lagu weeraro xarumaha ay ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka Somaaliya.

