Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo ka Hadlay Dagaalka Tukaraq Iyo Gudi ka Kooban 9 Xubnood oo La Magacaabay

0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa looga hadlay Dagaaladda maalmihii lasoo dhaafay kasoo xusboonaaday Deegaanka Tukaraq,wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Dalka iyo dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa si waafaqsan qodobka 56 ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here