Waxaa xalay abaaro salaadii maqrib kadib dhamaan gudaha magaalada muqdisho laga maqlayay dhawaqa qaraxyo oo dadka inta badan ay kala garan waayeen halka lagu weerarayay.
Iyadoo irintaasi ay jirtay ayaa waxaa war kasoo baxay Taliska ciidamada amaanka dowladda soomaaliya oo lagu sheegay waxii xalay muqdisho ka dhacay iney ahaayeen baco laga soo buuxiyay buuruuda sameysa dhawaqa qaraxyada, sido kalana aynan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay waxyabahaasi.
Xiriiro kala duwan oo Idaacada Simba ay la sameysay masuuliyiin iyo saraakiil si wax ay kaga ogaato waxa ka dhacay xalay muqdisho iney ahayeen dheemish ama qaraxyo caadi ah oo waxyeelo geysan karay.
Korneel katirsanaa saraakiishii ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdi Aadan Bare oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ku tilmaamay warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya inuu yahay mid ayaan daro ah, maadaama waxii xalay muqdisho ka dhacay ay ahayeen Qaraxyo caadi ah oo aan lagu tilmaami Karin qaraxyo dheemish ah, sida hadalka uu u dhigay Korneel Cabdi Aadan Bare.
Dhanka kale Nabadoon Badal Jaamac Xirsi oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ku tilmaamay waxii xalay muqdisho ka dhacay iney ahayeen qaraxyo cad oo dowladda Soomaaliya ay ku mara habaabineyso shacabka, maadama ay doonayaan inaan lala xisaabtamin laamaha amniga fashilka heysta.
Hadalka korneelka iyo nabadoonka ayaa ku soo beegmaya xili dowladda Soomaaliya ay sheegtay in weeraradii qaraxyada ee xamar ka dhacay ay ahayeen baco baaruud qaraxyada sameysa laga soo buuxiyay oo lasoo dhigay qaar kamid ah degmooyinka gobalka banaadir .
Dhageyso: Codka 1-aad Korneel Cabdi Aadan Bare 2-aad Badal Jaamac Xirsi

