Wasaaradda Difaaca dowladda Kenya ayaa war ka warbixisay amaanka magaalada Nairobi iyo wararka sheegaya in ay kusoo food leeyihiin weeraro ay geystaan dagaalyahanada Al-shabaab.
Bayaan kasoo baxay hogaanka ciidanka Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in la diyaariyay ciidamadii sugi lahaa amaanka guud ee magaalada caasimada u ah Kenya ee Nairobi, halkaasi oo la sheegay iney ku soo food leeyihiin weeraro ay fuliyaan Xoogag katirsan Al-shabaab ka ka dagaalama dalka Kenya.
Taliska booliska Kenya ayaa sheegay in la diyaariyay 2,000 oo Askari oo keenyaan ah kuwaasi oo sugi doono amaanka magaalada Nairobi, maadaama laga cabsi qabo weeraro ka imaada Al-shabaab.
Dhanka kale safaarada Mareykanka ee fadhigeedu yahay Kenya ayaa ka dhigtay weeraro ay geystaan Xoogaga Alqaacidda Somaaliya ee Al-shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
“Waxaa laga yaabaa in rag katirsan Al-shabaab ay weerar ka fuliyaan goobaha laga raaco basaska iyo Koontaroolada ay ku sugan yihiin ciidamada amaanka Kenya, goobaha waxbarashada ay dhigtaan ardayda kenyaatiga ee heysata Diinta Masiixiga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaarada USA.
Dowladda Kenya ayaa muujineysa feejinaanteeda amni inta lagu guda jiro bisha fadliga iyo kheyraadka badan ee Ramadaan, maadaama mararka qaar bishan ay xoogaga Alqaacidda ee ka dagaalama gudaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay geystaan weeraro dhiig badan uu ku daato.

