Dagaal Laga Cabsi Qabo Iyo Ciidanka Militariga Puntland oo Dhaq Dhaqaaq Sameynaya “Sawirro”

0

Wararka ka imaanaya deegaanka tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegay in ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland ay maanta halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka danbeysa dhaq dhaqaaqaasi wararka qaar ayaa sheegaya in xalay deegaanka Tukaraq uu ku hoyday taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliland G. Nuux Ismaaciil Taani, taasina ay tahay sababta ka danbeysay dhaq dhaqaaqa ay wadaan ciidanka Puntland.

Dhanka kale ciidamada Soomaaliland oo ka war helay dhaq dhaqaaqa ciidamada Puntland ayaa iyana waxey sameynayaan feejignaan dheeri ah, maadama xili walba laga yaabo iney is fara saaraan.

Ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa marar badan, waxuu dagaal ku dhax maray deegaano katirsan gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo hada ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Soomaaliland, balse marar badan ay halkaasi labada maamul ku dagalameen.

Waxii ku Soo Kordha Dhaq Dhaqaaqaasi kala Soco www.simbanews.net

Halka Hoose waa sawiradda ciidamada daraawiisha Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here