Sida uu daabacay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya Raisal waraasaha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa booqasho labo maalin ah waxaa uu kujoogaa dalka Kenya isagoona kulan gooni ah layeeshay dhigiisa dalka Kenya uhuru Kenyatta kuwaa oo kawada hadlay xariirka taariiqiga ah ee ka dhaxeeya labadaasi dal iyagoona war kasoo saaray arimaha amniga ganacsiga dalxiiska iyo wada shaqeyn dhanka dhaqaalaha labadaasi dowladood.
Kulanka kadib waxaa labadaasi madaxweyne ay si wada jir ah kaga hadleen arimaha amniga dalalka ay dariska yihiin gaar ahaan Soomaaliya iyo South Suudaan iyo sidii loola dagaalami lahaa dagaalyanada Alqaacidda gaar ahaan kuwa ka dagaalama gudaha Soomaaliya ee Xarakada Al-shabaab.
“Xoogaga Al-shabaab waxaa ay Qatar buuxda kuyihiin guud ahaan gobolka inkastoo awooda Shabaab lawiiqay balse weerarada gaad mada ah ay kageysanayaan dalalka Kenya iyo soomaaliya wali wey taagan yihiin si loo soo afjaro dhaq dhaqaaqaasi ay ubaahan tahay in iska kaashado dhinacna looga soowada jeesto ladagaalanka askarta Al-shabaab” ayuu yiri Abiy Ahmed Raisal waraasaha Itoopiya.
Dhanka kale kulankan ay wada yeesheen labadani masuul ayaa sidoo kale lagu lafa guray dadaalada lagu nabadeenayo dhibaatooyinka ka taagan dalka South Suudaan iyo in lagu cadaadiyo ururka IGAD sidii ay ukala dhaxgali laheyd garab yada is ku haya ee dalkaasi South Suudaan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu war kasoo saaray 9 askari oo looga dilay gudaha soomaaliya, waxuu sido kale balan qaaday iney jawaab deg deg ah ka bixin doonan weerarkaasi.
Dalalka Itoopiya iyo Kenya ciidamo ka socda ayaa waxaa ay ka joogaan Soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah ciidamada midowga Africa ee Amisom si ay ula dagaalamaan faraca Xoogaga Alqaacidda ee Soomaaliya.

