Dhalinyaro Koronto Maaso Dhalisay Ku Dhishay Muqdisho

0

Waxaa Subaxnimadii hore ee saakay degmada Wartanabada ku dhintay laba wiil oo dhalinyaro ahaa kuwaa oo u geeriyooday baalo ay kasoo laad laaday fiilo koronto maasa dhalineysay markaasi.

Dhalinyarada ay maasada dhishay ayaa la sheegay iney marayeen wado yer oo ciriiri ah,sidaasina ay ku qabatay koronto ku xirnayd Balo halkaasi ku yaalay,taasina ay tahay sababta dhilisay geerida dhalintasi.

Googjoogayaal ayaa Simba u sheegay in labad wiil isla goobta ay ku naf baxeen kadib markii ay heli waayeen cid aqoon u leh bad baadada dadka korontada ay qabato,labadaasi wiil ayaa sido kale lagu sheegay Da’dooda 16 ilaa 15 kuwaa oo ku dhintay nawaaxiga xarunta Degmada Wartanabadda.

Labada wiil ee dhintay ayaa la sheegay Mid kamid ah in uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo oo ku taala Suuqa Bakaaraha,halka midka kale uu kusii jeeday goob uu ka dhigto GYM ama Jimicsi jirdhiska.

Shirkadaha bixiya korontada Muqdisho ayaa ah kuwa intooda badan aan xil weyn iska saarin saameynta ay leedahay awoodaha korontada oo dad iyo duunyo intaba awooda iney bas beeliyaan, mana ahan wax ku cusub in sidan oo kale muqdisho koronto ay ugu dhisho dhalinyaro dad waaweyn iyo caruur intaba.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here