Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u Diray Suxufiyiinta Soomaaliyeed

0
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada Saxaafadda Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, faafinta horumarka dalka, iyo midnimada shacabka.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda. Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal dheeri ah oo aad ku bixiseen shaqadiinna, idinka oo duruufo adag ku shaqeeya.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey dhowrista xorriyadda hadalka, maadaama ay tahay xaq dastuuri ah oo muuwaadin kasta uu leeyahay, iyadoona dhanka kale ay waajib tahay in loo hoggaansamo sharciyada iyo xeerarka Qaranka uga dagsan Saxaafadda oo ay ka mid tahay Xeerka Warbaahinta Soomaaliyeed ee ay ansixiyeen Baarlamaanka soomaaliya.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ay dhawrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq oo uu muwaadiniinta siinayo Dastuurka Kumeel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay Bahda Saxaafadda in ay sii labo-jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here