Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo aheyd Kalkaaliso caafimaad ayaa xalay waxaa laga dhex afduubta xarunta Hay’adda ICRC ee Laami yaraha Zoobe Magaalada Muqdisho.
Afduubka Haweeneydan Loo Geestay ayaa La sheegay in ay Kaalin ka Qaateen ilaalada Haweeneyda u dhalatay Dalka Jarmalka Oo Kooxa Hubeysan ay Ka Afduubteen xarunta Hay`addaKu taall Muqdisho.
Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka kana mid aheed shaqaalaha hay`adda ICRC ayaa la afduubtay xili ay ku sugneed xarunta Hay`adda ee ku taala aga gaarka isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Ilaalada Hay`adda ICRC ee magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo Soomaali ah oo ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka qaabilsan, sida wararka qaar ay tilmaamaayaan.
Laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay gaaray goobtii laga afduubtay haweeneydaas iyagoona halkaasi ka wada baaritaano la xariira afduubka haweeneyda Ajaanibta ah.
Afhayeenka wasaarada amniga ayaa sheegay magaca ruuxa mas’uulka ka ahaa weerarka lagu afduubtay Haweeneyda u dhalatay dalka Jarmalka oo xalay ka dhacay magaalada muqdisho.
Majiraan ilaa hadda wax war oo ka soo baxay hay`adda amaanka iyo hay`adda ICRC-da ee ku aadan afduubkaasi.
xarunta ICRC ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa la wareegay laamaha amniga Dowladda Federaalka, waxaa jira shaqaale kale oo Ajaanib ah oo ku jiray xarunta markii uu afduubka dhacayay, lama oga ilaa hadda sababta ka dambeysa inuu dhaco Afduubka Haweeneydan.
Dhageyso: Codka Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya

