Warark ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo burcada ah ay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala deegaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35 km ka xigta dhinaca Koonfur magaalada Johannesburg.
Kooxda Burcada ah ayaa marka ay galeen goobta ganacsiga waxaa ay toogteen mid ka mid ah dhalinyaradii halkaasi joogay oo lagu magacaabayay Qadar Maxamed Nuur oo ku dhax jiray goobta dadka macaamiisha ah lacagaha looga qaado kadibna waxaa ay halkaasi ka qaateen lacago iyo kaararka telfoonada lagu shubto iyo sidoo kale telfoonada ay isticmaalaayeen dhalinyarada dukaankaas ka shaqeyneysay sida samba uu u xaqiijiyay xuseen xasan guure oo kamid ah ganacsatada soomaalida.
Laamah amniga oo goobta tagay saacad kadib markii ay kooxda burcada ah goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxda falkaan geystay,sargaalka madaxda ka ah saldhiga booliska ee xafaadaasi oo warbaahinta ay kula hadashay goobta ayaa ka kaabsaday inuu ka war bixiyo dhibaatada lagu haayo gacancsata soomaliyeed.
Inkastoo qofna aan saacadiisa la dhaafineynin hadana waa lama huraan ganacsatada in ay ka gaashaantaan falalka ugaarsiga ah oo ay sameynayaan kooxaha burcada Koonfur Afrika ah.




