Maxaa ku Soo Kordhay Dagaal Dhax Maray Ciidamada Mareykanka Iyo Al-shabaab

0

Faah faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weeraro lagu qaaday ciidamo Cadaan iyo Kenyaati is kugu jiray oo marayay deegaano dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka ayaa lagu qaaday kolonyo ciidamo Mareykanka kenyaati iyo Soomaali isugu jiray oo marayay duleedka Magaalada kismaayo ee gobalada Jubbada hoose.

Lama xaqiiji karo inta uu gaarayo khasaaraha kala gaaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-shabaab ee in muda ah ku dagaalamayay agagaarka deegaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30 KM ujira M/ Kismaayo.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka khasaare uu ka soo gaaray xoogagii Al-shabaab ee weerarka qaaday, iminkana xaalada ay tahay mid caadi ah oo wax dhib ah uusa jirin..

Idaacada ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay in khasaara xooggan ciidamada  ciidamada huwanta ah lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay meel ku dhow Buula Guduud,

“Ciidamada Al-shabaab ayaa dagaalka iyo qaraxyada ku qaaday Ciidamada Mareynka Kenyaatiga Soomaalida ee marayay duleedka Kismaayo, halkaasi waxyeelo ayaan ku gaarsiinay gaari kamid ahaa kuwa gaashaaman oo Ciidamo Cadaan ah ay saarnayeen” sida lagu yiri warka ka soo baxay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa intaa ku daray kadib weerarka markii uu dhacay in goobta ay kasoo caga dhigatay diyaarad lagu qaaday dhaawacyada iyo meydadka ciidamada huwanta ee weerarka la kumay.

Majirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo si too ah u xaqiijin karta waxa halkaasi ka dhacay.

Xiriiradii ugu danbeeyay oo Simba ay la sameysay dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal uusa jirin balse ay dareemayaan dhaq dhaqaayo ciidan oo wali goobta dagaalka uu ka dhacay ka taagan.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa weerara kala kulma Al-shabaab, halka dhanka ciidamad mareykanka iyagana ay qaadaan weeraro ka dhan Xoogaga Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here