C/wali Gaas oo Ku Dhawaaqay in Puntland Geli Karto Heshiisyo Caalami ah!

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo shir Jaraaid ku qabtay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha Federaalka.

Waxa uu sheegay Gaas  in Puntland ay heshiisyo caalami ah oo ku saabsan kheyraadkeeda la geli karto dowladdo shisheeye iyo shirkado Caalami ah, isagoo soo daliishaday qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland.

Waxa uu dabaalka ka qaadey in awoodda dalka Soomaaliya oo dhan aysan ahayn mid ku aruursan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale C/wali Gaas ayaa ku bogaadiyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda Soomaaliya, oo ka taageertay dhinac walba intii uu burburka ku jiray wadanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Gaas ayuu tilmaamay in Imaaraadka maalgashigiisa muhiim u yahay dalka Soomaaliya, maadaama shaqooyin u abuurayo kumanaan muwaadiniin ah.

“Dhawaan DP World waxay heshiis la gashay Puntland, waa maalgashigii ugu weyn ee deegaanada Puntland tan iyo burburkii dowladdnimo 1991, maalgashigan wuxuu muhiim u yahay horumarka dalka, maadaama u shaqooyin u abuurayo dhalinyarada shaqa la’aanta ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Puntland ayuu ku tilmaamay inay ku fadhiso meel kamid ah saddex meelood dhulka Soomaaliya, islamarkaana ay tahay maamul xasilooni kajirto, oo la aas-aasay 1998, kahor dowladda Soomaaliya 2014-kii.

“Soomaaliya waa dal Federaal ah, ujeedka loo aas-aasay nidaamka Federaalka Soomaaliya, wuxuu ahaa in la sameeyay dowlado heerFederaal ah oo qaar gaari karo go’aanada qaar, halka dowladda dhexe mas’uul ka tahay ilaalinta midnimada Qaranka,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here